MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta ayaa galabta wuxuu shir uga socdaa Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho iyadoo khudbooyin kala duwana laga jeedinayo.
Kudbooyinka marka ay soo dhamaadaan waxaa lagu wadaa inay warmurtiyeed wada-jir ah u qeybiyaan saxaafada kaasoo ay kaga hadlayaan doorashooyinka iyo arimaha muranka badan dhaliyay ee dhulalka la xiriira.
Shariif Sheeh Axmed oo hadalo kooban jeediyay ayaa ka hadlay arimaha dhulka iyo mida E-visa isagoo si xusay inuu ka xun yahay sida qurba joogta loola dhamay.
“dhul boobka Dowladu wado ilamaha aha inaan ka sii aamusi karno, hada waxay soo gaartay meel aan laga aamusi karin shacab iyo siyaasiyiinba”ayuu yiri Shariif
“Aad ayaa uga xumahay Talaabada ku wajahan Qurbo joogta waana arrin Taabaneysa mowqifka Soomaaliya, waana culeys weyn oo la saaray” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
