MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo caawa ka qeybgalay shir ay la lahayeen odayaasha dhaqanka ee dhawaan Xamar u yimid inay ka qeybgalaan caleema saarkii Ugaaska Beesha Mursade ayaa su’aal weydiiyay ka qeybgalaaasha saaxiibadiisa ah taasoo ah sida ay ka yeelayaan hadii Xasan sheekh iyo iyagu is fahmi waayeen islamarkaana waqtigii ka dhamaado.
Shariif Sh.Axmed “Hadii Xasan war diiday waqtigiisina dhamaystay maxaa talo ah oo Soomaali isku ogtahay ” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Madaxweyne hore Shariif wuxuu sidoo kale shirka ka sheegay in Somali maanta isku heysan qabiil qabiil islamarkaana isku wada furan yihiin deegaanada ay wada degaan balse waxa Somali ka qariban ay tahay siyaasada islamarkaana ay u baahan tahay dhiraan dhirin.
“waxa ugu muhiimsan siyaasad ahaan oo u baahan in laga heshiiyo waa doorashooyinka,anaga waxaan wadnay aragti ah halaga heshiiyo doorashada midey rabto ha noqotee xitaa midaad wadiin waase nalaga diiday”
