Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay guusha laga gaaray ku biirista Urur gobaleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shariif ayaa Qoraal uu arintaan kaga hadlaayo wuxuu u qorna sidan:-
Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga.
Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika.
      MAXAMED XUSEEN ROOBLE
Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ugu hambalyeeyay Soomaaliya guusha ay gaartay.
Qoraal uu arintaan kaga hadlaayo Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidan u qornaa:-
“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.
Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.
Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.
Guul iyo Gobanimo.
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Gudoomay Kursiga Xubinimada Dallada Bulshada Bariga Afrika
Next articleShirkii Xildhibaanada iyo Laftagareen ee Dastuurka ku saabsanaa oo Maanta la soo xiray+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here