Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray xuska maalinta 15-ka May.
Warka Xil.Shariif ayaa sidan u qornaa:-
Munaasabadda 15-ka May oo ah Maalinta Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo.
Maalintan waxa ay markhaati muuqda u tahay adkaysiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee doorka lixaadka leh ka soo qaatay geeddi-socodka ummadda ee gobbonimo-doonka, xoraynta iyo dhismaha dawladnimada..
Geesinimada iyo himillada ay ka dhabeeyeen xubnihii 13ka ee dhallinyaradii SYL waxay taasi illaa maanta dhiirra-gelin u tahay jiilasha cusub ee soomaaliyeed.
Dhallinyaradu waxay kaalin muuqata ku leeyihiin bulshadeenna gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, hal-abuurka ganacsiga, dhaq-dhaqaaqa bulshada, saxaafadda, ciidamada, iyo dowlad-dhiska iyagoo mar walba horseed u ah Soomaaliya oo hiigsanaysa barwaaqo iyo nabad.
Anigoo dareensan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan dhallinyarada ciidamada qalabka sida ka tirsan waxaan mar kale ku boggaadinayaa adkeysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyaan.

