MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhiban Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Turkiga ee Somalia ugu qaabilsan sida Xildhibaanku ku shaaciyay baraha bulshada.Shariif Sh.Axmed wuxuu sheegay inuu kala hadlay safiir Alper Aktas
Xaaladda guud ee dalka, iyo sidoo kale taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga ay siiso Somalia.
Sidoo kale Shariif Sh.Axmed wuxuu sheegay inuu kala hadlay safiirka arrimaha doorashooyinka ee lagu muransanyahay iyo la dagaalanka kooxaha Argaggixisadda ah intaba.
“waxaan uga mahadcelinayaa dowlada turkiga taageeradeeda hagar la’aanta ah ee mar walba dalkeenna la garab taagantahay”ayuu yiri Xildhibaan Shariif oo ka hadlayay kulanka uu la qaaday Danjiraha Turkiga
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
