HomeWarkiiShariif Sh.Axmed oo gaaray Dalka Norwey kana warbixiyay ujeedka safarkiisa

Shariif Sh.Axmed oo gaaray Dalka Norwey kana warbixiyay ujeedka safarkiisa

OSLO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray Magaalada Oslo ee Dalka Norwey halkaasoo si wen loogu dhaweeyay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Oslo.

“Waxaan soo gaaray Magaaladda Oslo ee dalka Norway waxaana si wayn ugu mahadcelinayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaan oo si diirran u soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeyga” ayuu yiri Xil, Shariif oo ka hadlayay socdaalkiisa

Gudoomiyaha Madasha samatabixinta mucaaradka Somalia wuxuu intaasi ku daray inta uu halkaan joogo inuu la kulami doono  xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed.

“waxaana iska xog-wareysan doonaa arrimaha dalkeenna oo dhammaanteen nooga baahan inaan si wadajir ugu istaagno” ayuu mar kale yiri Xil, Shariif

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -