Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu goor dhaw soo saaray wuxuu kaga tacsiyeeyay geerida ku timid Gen.Sheegoow Allaha u naxariistee.Qoraalka Xildhibaan Shariif ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Janaraal Sheegoow Axmed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliyeed, islamarkaana muddooyinkii dambe ahaa maxbuus dowladda u xiran.
Jeneraalka wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay howlgallo argagixisada looga saaray dhul badan oo ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
Illaahey samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisa iyo carruurtiisa isagana haka waraabiyo Jannatul Firdowso.
