HomeWarkiiShariif Sh. Axmed oo Muqdisho ku soo laabtay iyo kulan degdeg ah...

Shariif Sh. Axmed oo Muqdisho ku soo laabtay iyo kulan degdeg ah uu la yeeshay Deni,Madoobe iyo Kheyre

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii Dowladii Kumeel-gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safaro uu dalka dibadiisa ugu maqnaa maalmihii ugu danbeeyay xili saxibadiisa mucaraadka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Muqdisho soo gaareen dhawaan kuna sugan yihiin.

Shariif Sh. Axmed ayaa markii uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degayba wuxuu kulan degdeg ah Hoteelka kula yeeshay Saciid Deni,Axmed Madoobe iyo Xassan Cali Kheyre iyagoo dhamaantood isla soo qaadeen wada-tashi degdeg sidii ay u yeelan lahaayeen madaama dhawaan kula ay la qaadan doonaan Madaxweyne Xassan.

Siyaasiyiintaan oo is kala tirsan Golaha Mustaqbalka iyo dhamaan asxaabtooda kale ayaa lagu wadaa inay diyaarsadaan hal ajande oo ay kala hor tagaan Dowlada kulanka doorashooyinka looga arinsanayo si ay isku mowqif u ahaadaan.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa maanta lagu wadaaa inuu u safro Magaalada Adis-ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya halkaaso uu kaga qeybgeli doono shirka Midowga Afrika taasoo dib u dhac sii gelineysa kulankii uu Muqdisho kula lahaa Mucaaradka Golaha Mustaqbalka.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -