MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id uu shalay qabtay si kulul wuxuu uga hadlay arimaha ay isku hayaan Dowlada sida diyaarinta doorasho la isku raacsan yahay habka loo marayo.
Shariif wuxuu Dowlada ugu baaqay in si looga bad-baadiyo dalka hubanti la’aan siyaasadeed ay tahay in laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay.
“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga bad-baadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loo dhanyahay, ka fiican tii 2022, heshiisna lagu yahay”ayuu yiri Xildhibaan Shariif.
Dhanka kale mar uu ka hadlayay arinata dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayuu sheegay in meelo badan oo hore looga xoreeyay ay ku soo laabteen meelo hada dowladu joogtana ay qorsheynayaan inay qabsadaan.
Dowlada ayuu ku eedeeyay halkii ay xoogga saari lahayd la dagaalanka Alshabaab inay ku mashquulsan tahay waxyaabihii lagu kala tagay oo waliba sida uu sheegay sanad ka hor looga digay sida wax ka badalka dastuurka.
Hadaba faah faahinta hadalada Shariif halkaan ka daawo:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
