Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay mid ka mid ah barakicii ugu xooggana oo saaka lagu arkay Magaalada Muqdisho markii Ciidamada Dowladu xoog uga sareen guryahooda xaafada Tookiyada Degmada Yaashiid.
Shariif oo barihiisa bulshada qoraal kooban soo dhigay ayaa si weyn u cambaareeyay talaabada ay ciidamada Dowladu saaka ku dhaqaaqeen xili shacabka xalay saq dhexe iyagoo hurda ay ka war heleen cagafta oo shaqadeeda bilowday.
“waxaa nasiib-darro ah in ciidanka Qaranka ee loo dhisay illaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta loo adeegsaday si loo barakiciyo boqolaal qoys” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Shariifka oo sidiisa u qoran:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada gurracan ee taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu arroornimadii hore ee saakay ku beegsaday shacabka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiiid.
Waxaa sidoo kale nasiib-darro ah in ciidanka Qaranka ee loo dhisay illaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta loo adeegsaday si loo barakiciyo boqolaal qoys islamarkaana hantidooda sifo sharci darro ah loogu boobo.
Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka xaafadda Tookiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka soo gaaray weerarkan naxariis darrada ah.
Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda in la muujiyo midnimo, si aan dhammaanteen uga hortagno sii socoshada gabood-fallada ka dhanka ah bulshada kuwaas oo sidoo kale dhaawacaya sharafta dowladnimadda, laguna boobayo hantida ummadda.
