Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa ka hadlay kulan uu maanta la yeeshey Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo MMaxamed Axmed Amiir kadib markii maanta baraha bulshada lagu shaaciyay inay Madaale iyo Amiir ku biireen Xisbiga Shariif.
Shariif Sheekh Axmed qoraalkiisa oo sidiisa u qoran halkaan k akhriso:-
Waxaa maanta salaan sharafeed iigu yimid guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaana labada guddoomiye iska wareysannay xaaladda guud ee dalka, midda caasimadda, doorashooyinka lagu murunsanyahay ee degmooyinka Xamar iyo jihada uu dalku aadayo maadaama muddo shan bil ah ay ka hartay muddo xileedka hay’addaha dastuuriga ee dowladda.
Waxaa kale oo aan labada guddoomiye ka wada-hadalnay sidii aan uga wada-shaqayn lahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay islamarkaana hoggaanka loola kala wareego si nabbad ah.
Ugu dambayn, waxaan guddoomiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir uga mahadceliyay booqashadooda.
