Shariif Sheekh Axmed “Waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn  karaa dambiyo ka dhan ah Bini'aadannimada” - Mustaqbal Media

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn  u amaanay laadii askari ee shalay ku geeriyootay deegaanka laas-gacameey si ay u bad baadiyan masuuliyiin reer Galmudug ah.

Advertisement

Madaxcweyne Shariif wuxuu Alle uga baryay inuu naxariistiisa siiyo wiilashaasi reer Galmudug ee naftooda u huray inay bad-baadiyan masuuliyiin uu ka mid yahay madaxwenaha Galmudug.

“Talaabada ay qaadeen wiilashii ku shahiiday Galmudug waxay cadeyn u tahay in dadka Soomaaliyeed soo gaareen heer ay Caddowga iska dhicin karaan” ayuu yiri Madaxweyne Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale sheegay labadaasi wiil muujiyeen sharaf iyo dadnimo.

“Allha u naxariisto wiilasha ku shahiiday Galmudug waxay  muujiyeen sharaf iyo dadnimo, inay ogolaadaan naftooda inay go’do si dad kale ay u badbaadiyaan waa arin aad qiimo u leh waana mida la iska rabo in la sameeyo” ayuu mar kale yiri Sh Shariif maadxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu ku booriyay qof kasta oo raba inuu wax fiican sameeyo sida wiilashaasi in wali waqtina la heysto,la nool yahay islamarkana la dhaqan yahay,ayna tahay qof kasta inuu kaalintiisa qaato.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari dil gaystay
Next articleSiyaasi soo qabtay xil sare oo ku eedeeyay Lafa-gareen inuu hor istaagay weerar lagu qaadi lahaa Alshabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here