MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyay in wax laga xumaado ay tahay in a muqdisho oo aan lahayn maqaam la dhaho doorasho qof iyo cod ayaa ka dhaceysa.
“Waa wax laga xumaado in Magaalo aan maqaam lahayn la yiraahdo Doorasho Qof iyo Qori ah ayaa laga qabanayaa”ayuu yiri Xildhibaan
Shariif ayaa dhanka kale ayiday hadalkii dhawaan ka soo baxay xildhibaan Craxman C/rashuur oo ahaa doorashada Madaxweyne Xassan sheegayo inayvl tahay qof iyo qorey ee aysan ahayn qof iyo qof cod
Shariif wuxuu xusay in hadii dadka qorey inta loo qaato xoog lagu leeyahay u codeeya ay sax tahay erey bixinta qof iyo qorey
.”Qof iyo Qori ayey noqonaysaa, sida wax loo wado haddaan la lajoojin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaguna ma qaldaneyn” ayuu yiri xildhibaan Shariif Sh. Axmed oo ah hogaamiyaha madasha mucaaradka samatabixinta.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka shir haraa’id uu qabtay Shariif:-
