Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay Gaalkacyo ee u dhexeeyay Puntland iyo PSF oo taageera ka hela faderaalka.
Qoraalka ka soo baxay Shariif ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa xilkasnimo darrada Madaxweynaha muddo dhaafka ah, Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu si toos ah u qaadaya masuuliyadda iyo talo xumada xiisadaha siyaaasadeed & rabshadaha hubeysan ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan Magaaladda Gaalkacyo.

