Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo muuqaal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ee Facebooka ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la joojiyo colaadda iyo dhiigga ku daadanaaya qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.

Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisa diiradda waxa uu ku saaray xaaladda dalka, gaar ahaan dagaallada socda, waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhiiga qubanaya xilli lagu jiro maalmo barakeesan, sida uu yiri.

Advertisement

Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa yiri, “Waxaa xanuun leh in maanta meelo badan dalka dhibaato ay ka jirto, dhiig Soomaaliyeed daadanaayo oo laga baaqsan karo lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh labadaba ayna u daadanayaan si mas’uuliyad darro ah.”

Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa fariintiisa oo u badneed dardaaran iyo baaq ku soo gunaanaday, “Waxa aan rabaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba shacab iyo Mas’uuliyiin in la joojiyo dhiigga daadanaayo.”

Previous articleBooliska oo soo bandhigay Ninkii hoggaaminayay raggii hoobiyeyaasha ku weeraray Garoonka Aadan-Cadde
Next articleMADAXWEYNE DENI OO CAAWA KULAN AFUR AH KU CASUMAY BAARLAMANKA PUNTLAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here