Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay colaad Beeleedka ka soo cusboonaatay maalmihii ugu danbeeyay xadka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Shariif Sheekh Axmed Wuxuu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya inay joojiyaan dagaalka dadka ehelkaa isku dilayaan.

“Hay’adaha Amniga iyo wax garadka deegaanka waa inay kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee is dilaya si looga fogaado colaad iyo daadinta dhiigga dadka ehelka ah”ayuu  yiri Shariif Sheekh Axmed

Ugu dambayntii waxaan rajeynayaa dadka walaalaha ah in ay ilaaliyaan daris wanaagga iyo wada noolaashaha, Ilaahayna uga baqaan daadinta dhiigga qof Muslim ah.
Previous articleUN Ocha oo la xisaab-tamaysa Hay’ada Maareynta masiibooyinka
Next articleCiidamo Qaas u ah Madaxtooyada Hirshabelle oo Tababar loo soo xirey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here