HomeWarkiiShariif Sheekh Axmed oo ka hadlay qaraxyadii iyo dagaalkii maanta ka dhacay...

Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay qaraxyadii iyo dagaalkii maanta ka dhacay Moqokori

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha golaha samatabixinta mucaaradka Shariif Sheekh Axmed ayaa war uu soo saaray kahadlay dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan halkaasoo weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qabsadeen kooxda Alshabaab.
Qoraalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan boggaadinayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka gobolka Hiiraan oo muujiyay geesinimo iyagoo mar walba u taagan inay iska diidaan damaca kooxda arxanka-darran ee Al-Shabaab oo iyagu caadeystay daadinta dhiiga shacabka iyo arbushaadda dhulka Soomaaliya.

Waxaan dhinaca kale si adag u cambaareynayaa weerarka nafla-caariga ah ee kooxdu la beegsatay Magaaladda Moqokori ee gobolka Hiiraan iyagoon u aabayeelin carruur iyo waayeel, tallaabadaas oo ka fog diinteenna suubban ee islaamka.

Ciidamada xoogga Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka waxay mudanyihiin garab istaag dhab ah waxaana dowladda dhexe ugu baaqayaa innaan fursad loo siin argagixisada isku-dayadooda argagax galinta bulshada iyo dib qabsashada deegaannada horey looga xoreeyay.

Waxaan ugu dambayn u tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday dagaalada ugu dambeeyey ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -