HomeWarkiiShariif Sheekh Axmed oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Shariif Sheekh Axmed oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw gaaray Magaalada Kismaayo diyaarad siday Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayay kuwaasoo ka qeybgalaya shir Mucaaradka  uga bilaabanaya Kismaayo.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa garoonka dioyaaradaha sayid Maxamed Cabddule Xasan kaga hor tagay Shariif Sheekh Axmed Shariif isagoona soo dhaweyn kadib u galbiyay VIP-da garoonka kadibna waxaa loo sii galbiyay dhanka Madaxtooyada Jubaland.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa badankooda shalay gaareen Kismaayo sida Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shir-doon Saacid,Maxamed Xuseen Roobkle,C/raxmaan C.shukuur Warsame iyo Sacidi C/laahi Dani.

Shirka Mucaaradka waxaa lagu wadaa in galabta u furmo siyaayiinta Mucaaradka, waxaana uu socon doonaa ilaa caawa kadib beri ayay isku soo laaban doonaan ama sabtida madaama beri Jimco tahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -