HomeWarkiiShariif Sheekh Axmed oo mar kale eedeymo culus u jeediyay hab dhaqanka...

Shariif Sheekh Axmed oo mar kale eedeymo culus u jeediyay hab dhaqanka Dowlada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed hadana ah Xildhibaan u taagan mushara xnimada xilka ugu sareeya ee dalka ayaa mar kale eedeymo culus wuxuu u jeediyay hab dhaqanka Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr.Xassan Sheekh Maxamuud.

Shariif wuxuu ku dhaliilay Dowlada inay iska xiranayaan dadka Magaalada Muqdisho ku dhaqan ee shacabka ah kuwaasoo sida uu tilmaamay hab siyaasadeed lagu dhibaateynayo. 

“Magaalo waxaan joognaa shacabka la iska xirayo, tusaale maalmahaan danbe waxay Dowladu bilowday in la beegsado dadka aadaya dhanka Hoteel Jaziira oo aan shirarka ku qabsano”ayuu yiri Xildhibaan Shariif 

Sidoo kale Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in marka la eego hab dhaqanka Dowlada aysan Muqdisho ka dhici karin shirar xor ah.

“waa wax aan la aqbali karin in dal nuucaasi ah la dhaho waxaa ka dhacaya doorasho qof iyo cod ah”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Shariif oo hogaamiya Madasha mucaaradka samatabixinta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -