HomeWarkiiShariif Sheekh Axmed oo sheegay in Muqdisho ay ku hareereysan yihiin Alshabaab

Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in Muqdisho ay ku hareereysan yihiin Alshabaab

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale kala hadlay xaalada amni e Magaalada Muqdisho iyo aragtida uu isagu ka aaminsan yahay xili Dowladu ku adkeysanayso inay ku qabaneyso doorasho qof iyo cod ah sida isaguba uu xusay.

Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo hogaamiyaha mucaaradka Madasha samatabixinta ayaa nasiibdarro aad u weyn ku tilmaamay in Dowladu dhahdo Muqdisho waa AMNI oo Doorasho qof iyo cod ah ayaa ka jirta.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu carabka ku adkeeyay in Magaalada Muqdisho ay buuxaan dagaalamayaasha Alshabaab,sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Magaalada Muqdisho ku hareereysan yihiin kooxda Alshabaab.

“xagee amniga yaal muqdisho Alshabaab ayaa buuxa isamarkaana Magaalada ku hareereysan, sidaas ay tahay Dowladu waxay ku adkeysaneysaa in Muqdisho ku qaban karto doorasho  qof iyo cod ah” ayuu yiri Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -