Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xubin ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in marna uu taageereyn muddo kordhinta ay wadaan labada Aqal ee BFS.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayuu ku yiri “Waxa aan aminsanahay in dalku u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo ku dhaqanka Dasturka sidaas darteed waxa aan soo dhawaynayaa cid kasta oo dadaal ku bixinayso ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah.”
Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mowqifkiisa uu isbadalin “Mowqifkeyga waa meeshi shalay aan uga dignay, dadaal kasta oo lagu joojinayo waa soo dhaweenaynaa.” Ayuu ku sii yiri qoraalka uu soo dhigay.
Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka labadiisa Aqal in ay qaataan mowqifkooda ku aadan badbaadinta jahwareerka Siyaasadeed “Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in uu qaato mowqif sharafeed, dalkane ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni.”
“Waxa aan kale caddaynayaa baaq wadareedka soo baxay xalay in uusan soo marin wada tashigi loo baahna.” Ayuu ku soo gabagabeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xubin ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.