Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray masiibadii dabka ee xalay ka kacday suuqa labaad ee ugu weyn soomaaliya suuq-bacaad kaasoo galaaftay hantidii ugu badneyn ee suuqaasi ku jirtay,sidoo kale waxaa ku dhinray cunug yar oo lix jir ahaa.
Xildhibaan shariif oo muujiyay dareenkiisa masuuliyadeed ayaa qoraalkiisa sidan u qornaa:-
Waxaan xannuunka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii kuwaayay dabka ka kacay suuqa labaad ee ugu wayn caasimadda Muqdisho ee suuq Bacaad.
Waxaan ALLE u waydiinayaa ganacsatada xoolahooda kuwaayay dabka bedel khayr leh waxaana dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in garab-istaag buuxa loo muujiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee musiibadaani ay saamaysay.
Waxaan sidoo kale ganacsatada kale ee dalka iyo caasimaddaba ku boorrinayaa in markaan oo kale looga baahanyahay in la isku gurmado, anigoo garwaaqsan in dabka burburiyay suuq bacaad uu ka mid yahay musiibooyinka nooga baahan maareynta.
