MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shirka jaraa’id ee mucaaradku qabteen caawa wuxuu kaga dhawaaqay inay maqleen in dhanka Dowlada uu weerar kaga soo socdo ayna is difaacayaan.
Shariif wuxuu xusay in falkii galabta ee is rasaaseynta ee ka dhacay saldhiga warta nabada ay hub wateen laakiin aysan qaadan inay dagaalamaan.
“Waxaa naloo sheegay abaabul dagaal in uu socdo, inagoo hub heysana ayaan diidnay in aan dagaalano laakiin hadii uu dulmi yimaado qof iyo qabiil ayey noqoneysaa”ayuu yiri Shariif.
Haddaba halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Tv-ga Universal:-
