Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ku qaabilay masuuliyiin ka socda Dalka Norwey.
Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay inuu Muqdisho kula kulmay Wakiilka Dalka Norwey u fadhiya Soomaalia.
Qoraalka ayaa sidaan u qornaa:-
Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen.
Waxaan ka wada hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah.
Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo goor dhaw soo gaaray Gobolka Sh.dhexe +SAWIRRO
Next articleQaramada Midoobay oo Maanta u fadhiisaneysa arimo Soomaaliya quseeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here