XIGASHO LAACIB.NET
Xiriirka Caalamiga ah ee Taariikhda iyo Tirakoobka Kubadda Cagta (IFFHS) ayaa shaaciyay Kooxdooda World Best XI ee sanadka 2025.Football Match Highlights
Kooxdan, oo la sheegay in si buuxda loogu saleeyay tirakoob iyo xog rasmi ah, waxay ka kooban tahay saddex daafac, saddex khad dhexe iyo afar weeraryahan.
Goolhayaha waxaa loo doortay Gigi Donnarumma (Manchester City), kaddib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee uu la sameeyay PSG xilli ciyaareedkii hore.
Daafaca waxaa si buuxda u wada galay ciyaartoy ka tirsan Paris Saint-Germain:
Nuno Mendes
Willian Pacho
Achraf Hakimi
Khadka dhexe waxaa ku jira laba xiddig oo Barcelona ah:
Pedri
Lamine Yamal
Waxaana buuxinaya Vitinha (PSG). Dhanka kale, Raphinha mar kale waa la iska indha tiray.
Weerarka waa mid aad u xoog badan, waxaana hoggaaminaya;
Kylian Mbappé (Real Madrid)
Erling Haaland (Manchester City)
Harry Kane (Bayern Munich)
Ousmane Dembélé (PSG)
IFFHS waxaa la aasaasay sanadkii 1984, ujeeddadiisuna waa diiwaangelinta taariikhda, xogta iyo rikoorada kubadda cagta adduunka, sidoo kalena waxay bixisaa abaalmarinno sanadle ah oo la xiriira ciyaartoyda, kooxaha iyo tirakoobyada.
Abaalmarintan IFFHS waxaa lagu saleeyaa codadka saxafiyiin kubadda cagta ah iyo khubaro caalami ah oo ka kala socda daafaha dunida.
XIGASHO LAACIB.NET


