=Qore :Yahya Amir=

Shayadaan yar oo ambad ah ayaa yimid Magaalada Mogadishu, Bacdamaa uuna weligii imaan waxa uu go’aansaday in uu 24 Saac “Transit” ku ahaado, si uu ula kulmo Shayaadiinta Magaalada joogto ee ka khibradda badan.

Advertisement

Subaxdii ayuu socodkiisa ka bilaabay Madaxtooyada, Villa Somalia iyo Xarunta Golaha Shacabka. Waxa uu yiri: Intii aan ku wareegayay Madaxtooyada dhaxdeeda kuma arag Hal sheeydaan. Markii aan iridda ka sii baxayay ayaan la kulmay Hal sheeydaan oo banaanka fadhiyo. Waxa aan weydiiyay sababta ay Shayaasiintu u gali waayeen Madaxtooyada. Waxa uu igu yiri: Halakaan sidii loo dhisayba weligeyn wakhti noogama dhumin, waxaa joogo Dad Shaqadda sheeydaanka nooga khibrad iyo Aqoon badan.

Xafiisyada waxaa joogo Sheyaadiinul insi, ku takhasusay Beenta, wax is daba marinta, Bashuuqsiga, Xanta, Musuqa, Madaxda ka sareysana Been ayey u sheegaan, Madaxda laftooda ayeey dhagta wax ugu sheegaan, Madaxduna Beentaa ayey u sii sheegaan Shacabka iyo Dadka Xafiisyadooda ugu yimaad. Madaxda Lafteeda waxbaa u bilaaban. Shaqada ugu badan waxaa noo qabto kuwa shahaadooyin Sheydaanimo oo dhameeystiran Qurbaha ka soo qaatay.
Maalinta jimcaha oo kaliya ayaan soo galnaa Madaxtooyada si aan waswaas u galino Quluubta Jameecada Masjidka, in kasta oo ay Masjidka yimaadiin Jameeco badan oo iimaankoodu sugan yahay. Haddana waxaan hore u soo raacnaa Siyaasiyiin Jimcaha oo kaliya Salaadda tukado oo Hoteelada ka yimaad.

Sheydaankii ambadka ahaa waxa uu yiri: Hore ayaan u sii socday waxaan soo ag maray Hotel SYL waxaa ku hor dheganaa Tabeele ay ku qoran tahay, ( halkaan waxaa xogta ku kala qaato sheydaanul insi). Waan soo gudbay markii aan dhax marayay Tiyaatarka iyo Guriga Haweenka shanqarta ka yeereysay waxaan dareemay in lagu bixiyo Cashar iga tan weyn. Waxaan soo gaaray Rugta Ganacsiga. Laba Sheeydaan oo Howlgab ah ayaa Banaanka fadhiyay. Waxa ay igu yiraahdeen waxaan diiwaan galinaa Ganacsatada Halkaan soo gasho, wax uma sheegno iyagaanba ka baranaa. Shacabka inta ay khiyaamaan waxaa ka badan inta ay iyagu dhaxdooda is khiyaamaan.

Waxaan tagay Hotel Maa’dda, waxaan ku arkay Odayaal dhaqameed iyo Duubab war moog ah iyo kuwa kale oo Cimaamado iyo Baakoorado wato, kuwaan dambe oo ah Shayaadiinul insi, bixinayo Casharadii nalaga rabay in aan Anagu bixino waxaana u jiibinayaan siyaasiyiin hore.

Kadibna Waxaan tagay Dhowr Wasaaradood. Waardiyiihii iridda joogay ayaa igu yiri: Halkaan Sheeydaan loogama baahno, waan isku filanahay.
Kadib waxaan tagay Xarunta Gobalka, Howlaha ka socday markaan arkay ayaaba madaxu i xanuunay, Kaniini madax xanuun ayaan ka doontay Farmashi ku yiil Xamar weyne.

Dhowr Saldhig Boolis oo aan tagay, Muuqaalka guud ayaamba ku quustay, oo aan ogaaday kuwa naga Howl karsan in ay joogaan.
Waxan ku leexaday Xabsiga dhexe, kuwo na racay, kuwo na diiday iyo kuwo aan Dambigooda la aqoon ayaa ku jiray, Duruustii nalaga rabay in aan barno ayaa halkaa ka socotay.

Markii aan ag marayay Wasaarada Owqaafta iyo Diinta iyo wasaaradda Cadaaladda oo hal xarun wada degan kuma leexan, waxaan uga jeeday Dad intii aanan Mogadishu imaan naloo sheegi jiray waxa Quluubtooda ku jiro iyo waxa ay sheegayaan in ay kala duwan yihiin.

Kadib waxaan sii maray Maxkamadda, Saddax Sheydaan oo ku hor lugeeynayay isbitaal Martiini ayaa igu yiri: Haba ku leexan maxkanadda, mar hore ayaa ugu dambeeysay Raad Sheeydaan oo maba galno, Anagaaba ka baqeeyno in dambi naga soo gaaro oo nalagu eedeeyo Shahaada suur, laaluush qaate ama Xeer ilaaliye Xaq iyo Xal mooga ah.

Waxaan ku iri: Xageen ka heli karaa Xarunta ugu weyn ee Shayaadiinta ee ibliisku fadhiisto. Waxaa la igu yiri: ibliiskii weynaa hadda Howlo muhim ah ayuu Gobalada u jiraa. Laakin wakiilkiisa ayaa joogo Xarunta Xalane. Waxaan aaday Xalane intii aan u sii socday waxaan sii maray Wadada Maka Al mukarama, Wadada Hareeraheeda inta badan waxaa fadhiyay Arday Sheydaanul insi ah oo ka doodayo “Home Work” Casharo ah oo la soo siiyay. Intii aanan ku leexan wadada Airporka dhinaca isgooyska Zobe waxaa iiga muuqday Wasaaradihii Tacliinta iyo Arimaha Dibadda, waxaan Maqli jiray in ay Madax ka yihiin kuwo Tababarka la soo qaatay Caruurta Shayaadiinta. Kuma leexan ee Horaan isaga Toosay. Markii aan dhinac marayay Hotel Jaziira Anigaaba ka Cowdi bileeystay Sheydaanul insigii.

Markii aan Xalane tagay aad ayaa la iigu soo dhaweeyay. Waxaa la i geeyay Xafiisyada laga fidiyo Diimaha kale, Tan Qowmu luudka, xafiiska khamriga Macaawinada ah Magaalada looga qeybiyo, ugu dambeeyna waxaan tagay Xarurunta ay ku shiraan Agaasimayaasha Shayaadintu si wax qabadkooda ay u horuumariyaan Magaaladana la gaarsiiyo Duruusta Fisqiga iyo Diin ka figaashada ee loo qorsheeyay.
Shayaadiin badan ayaan Maalintaa la kulmay. ( F.S: 1-4aad)

Waxa uu yiri: Sheydaankii Ambadku, Makhribkii ayaan Magaaladda Dib ugu soo noqday, waxaan soo aaday Xeebta Lido. Markii aan hor marayay Xarunta Gaadiidka Boliska ee Deg/Cabdiasiis ayaan arkay Sheeydaan Lido ka yimid oo yaaban oo Fara jacayo lana yaaban wixii uu halkaa ku soo arakay. Waxa uuna igula taliaya in aanan aadin. markii aan arkay dhaliyada u sii socoto Lido ayaanba cabsaday (F.S: 6-10aad)
Waxaan weeydiiyay xageed hadda shaqo ka qabatiin?. Waxa uu igu yiri: Xaafadaha qaar, Masaajidda Qaar, Guryaha qaar ayaa waxaa ku dambeeyo Dad nagu dhaga adeeygay, kuwaa ayaan la hardameynaa, iyo Waalidiinta qaar oo aan iyaga wax ka bedeli weynay iimaankooda. waxaan rabnaa in aan Caruurtooda u istaagno Guriga hortiisa si aan ugu biirino taageerayaaheena iyo asaxaabta aan Jahanamo isku arki doono.

Waxa uu intaa ku daray Sheydaan yare, waxaan goostay in aan Berri Subax ka baxo Magaalada si aanan u galin Dunuub ka badan tii sheedaanka laga sugayay, Nafteeyda iyo Sharafkeeyga sheeydaannimo ayaan u baqay.

FG: waa aakhiru Samaan, magaalooyin badan oo Aduukaa ayaa Mogadishu ka adarn, Gabalada Dalkana Sheydaanku waa joogaa.

waa sheeko hal abuur khiyaala ah oo aan dhab ahaan u dhicin. Magaaladda wax badan oo sidaa u egna waa ka jiraan, ee Allaah dhamaanteenba ha naga badbaadiyo Sharta Sheydaanka.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore :Yahya Amir

Previous articleWasiirka Difaaca Somaliland oo is casilay
Next articleBanaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya oo Muqdisho ka dhacay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here