HomeWarkiiSHEEKADA. Alshabaab Macawisley iska dhigi jirey oo lagu qabtay Buulo-burde

SHEEKADA. Alshabaab Macawisley iska dhigi jirey oo lagu qabtay Buulo-burde

BUULO-BURDE (DAYNIILE.COM)-Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa in lagu qabtay nin iska dhigi jirey inuu taageere u yahay macawiseyda beesha Xaswaadle balse hada ku eedeysan inuu yahay alshabaab u gudbin jirey xogaha  macawisleyda.
Ninkaan oo maanta la qabtay ayaa lagu soo eedeeyay inuu leeyahay laba cinwaan oo Facebook ah kuwaasoo midna uu ku jili jirey inuu Macawisleyda taageero balse sida eedu tahay cinwaankiisa kale ee Facebook inuu ku taageero Alshabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga soo gudbiyay Buulo-Burde ninkaan ayaa fashilmay markii maanta uu si kadis ah isugu qalday labadiisa ciwaan ee facebook kadib markii cinwaankiisii lagu yaqaanay ee macawisleyda uu ku taageri jirey uu soo dhigay war uu rabay facebook-giisa kale kaasoo ahaa qoraal taageere uu ugu muujinayay Alshabaab.
Sida wararka aan ku heleyno reer Buulo-buirde ayaa markii ay arkeen postigaan waxaa u soo baxday inuu alshabaab ka tirsan yahay uuna isku qarin jirey inuu Macawisleyda taageero, markaas kadib ayuu soo baxay warka ah inuu laba cinwaa ku leeyahay Facebook.
Markii uu sida qaldan potiga uga dhacay cinwaankii facebook ee uu  ku jili jirey inuu macawisleyda ku taageero ayaa degdeg loo soo xirey, wuxuuna ku jiraa gacanta hay’adaha amaanka ee Degmada Buulo-burde.
Baaritaano dheeraad ah ayaa la marsiinayaa si cadeyn loogu helo tuhunka laga qabo, iyo in la sii daba kaco dadka isaga kala shaqeyn jirey arimahaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -