CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Buuraha Cal-miskaad ayaa sheegaya in laba askari oo ciidamada Puntland ka mid ah oo midi dhaawac yahay ay ku dhex go’doomeen dagaalamayaasha Daacish xili dagaal adag uu socday.
laba xidigle Saleebaan Maxamed Warsame oo ka mid ahaa Labada Akari ayaa jilibka u aastay daacish si uu natiisa iyo tan saaxiibkiisa dhaawaca ah u bad-baadiyo Alle ayaa bad-baadada iska lehe.
Labada Askari waxay qarka u fuuleen inay iyagoo nool u gacan galaan dagaalamayaasha Daacish madaama lagu hareereysnaa.
Laba Xidigle Saleebaan Maxamed Warsame wuxuu dagaalamayay bilaa baad iyo bilaa biyo 24-saac xili dhincyada dhan ay ka jireen dagaalamayaasha Daacish, ugu dambeyna waxaa gurmad u soo sameeyay ciidamadii kale ee Puntland ilaa ay go’doonkii ka saareen soona bad-baadiyeen labada askari.
“dhacdadaani waxay ahayd 05 June 2025 markii aniga iyo sarkaal saaxiibkey ah ay dhexda na gashteen argagaxisada Daacish aaga togga Baallade gaar ahaan Ceelka Dacarre, waxaan ka dhex dagaalameynay 24 saacadood Daacish dhexdooda ,aniga oo saaxiibkay iyo naftayda ka badbaadiyay in aan gacanta u galno argagixisada”ayuu yiri Saleebaan Maxamed Warsame.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa askarigaasi geesiga ah siiyay abaal marin lacageed, sidoo kale wuxuu u dalacsiiyay laba xidigle madaama uu halgan adag galay soona bad-baadiyay naftiisa iyo tan saaxiibkiis.
Diyaarad qaas ayuu Saciid Deni u direy askarigaani si Garowe loo soo gaarsiiyo kadibna munaasabad uu u qabtay ayuu ku gudoonsiiyay abaalmarinta iyo dalacsiinta Geesi laba xidigle Saleebaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
