Sidee loo daweyn karaa qalbi jabka gaaray Xaliimo Yareey
Inkasta oo aanan anigu goob-joog ahayn, shirka #Heritage ee Dhuusamareeb, haddana warbaahinta qaar ayaan ka maqlay sheekadii ugu weynayd ee madasha ka dhacday in ay ahayd Xaliimo Yareey, oo ka baxday goobta markii uu hadalka qaatay Ra’iisul Wasaare Xamse.
Xaliimo waxay sheegtay in ka bixitaankeeda uu ahaa mudaaharaad ay muujineysay , iyadoo daba joogta, sida ay tiri, hanjabaad dil ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse u jeediyay xilli uu difaacayay siyaasaddii doorashada maamulka Jubbaland ( taas oo macnaheedu yahay in uu diidanaa howsha guddigu rabay in uu ka qabto Kismaayo)
Waxay intaas ku dartay in damiirkeedu u saamixi waayay in ay dhageysato hadalka nin horay ugu yiri: “Madaxa ayaan kaa tooganayaa haddii aad Kismaayo timaaddo.”
Xilligaas, Xaliimo Yareey waxay ahayd guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Raysal wasaaruhu garowshiyo kama bixin eedda loo soo jeediyay iskamana fogeynin.
Dadweynihi madasha joogay ee arkayay Xaliimo oo ka baxayday goobta ciddi uma dhaqaaqin, raysal wasaaruhuna inta uu is gartay ma dhihin “ma hadlayo ilaa Xaliimo soo noqoto”.
FG: Dhacdadan waa ka hor xiliga uusan Hamze noqon Raysal wasaaraha xukuumadda.
WAXAA QOREY WARIYE: Ayaanle Xuseen Cabdi
