NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Nin magaciisa lagu sheegay Newton Wachira Waweru oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxaa lagu helay danbi ah inuu mudo iska dhigi jirey Askari Booliis ah isagoona sidaas agab ciidan Dowlada uga xaday sida warbaahinta kenya ay tabineyso.Newton Wachira Waweru waxaa iminka soo xirey ciidamada Booliiska Kenya markii ay heleen Xog sirdoon, kuwaasoo ku sii wareejiyay Hay’ada danbi baarista Dalkaasi si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo, markii hay’adu guda gashay howsheeda waxaa durba la tagay guriga ninkaan iska dhigaayay Askari Dowladeed.
Guriga eedeysanaha waxaa laga soo helay agab ciidan oo sida kabaha Milateriga,laba jaakadaha Booliska ah, laba surwaal oo ah dareyska ciidamada, hub iyo agab kale sida uu saxaafada u cadeeyay agaasimaha waaxda dambi baadhista (DCI)
Ugu dambeyn baaris kadib Newton Wachira Waweru xabsiga ayaa loo taxaabay ,waxayna Hay’ada danbi baarista xustay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono marka baaris dheeraad ah lagu sameeyo eedeysanahaan,sidoo kale Hay’ada danbi baarista waxaa shaki uga jiraa in ninkaani ku lug yeelan karo falal dambiyeedka kale.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
