HomeWarkiiSheekada Qorey AK 47 ah oo laga xaday Booliiska Kenya iyo sidii...

Sheekada Qorey AK 47 ah oo laga xaday Booliiska Kenya iyo sidii dhibka badneyd ee lagu helay

Qori AK-47 ah ayaa la xaday intii lagu jiray mudaaharaadyadii Juun 25 ayaa laga helay Kabete.

AK-47 rifle stolen during June 25 protests recovered in KabeteBilayska Kabete ayaa soo helay qori AK-47 ah oo laga xaday Saldhiga Booliska Dagoretti intii lagu jiray mudaaharaadyadii rabshadaha watay ee dhacay Juun 25, 2025.

Sida laga soo xigtay Agaasinka Baadhista Dambiyada (DCI) Sabtidii, dib u soo helista ayaa daba socotay xog-waraysi ku saabsan nin laga shakisan yahay oo bac ku sita Bar Gravity ee aagga Gahui.

Saraakiisha Saldhiga Booliska ee Kabete ayaa si deg deg ah uga jawaabay, iyagoo raacaya xogaha sirdoon iyo baaritaanno lagu ogaanayo tuhmanaha.

Baaritaankooda ayaa u horseeday guri ku yaala xaafadda Njuki-Kirigu, halkaasoo loo maleynayay markaas in tuhmanaha uu ku dhuuntay.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu arkay ciidamada Booliiska iyo saraakiisha, ninkii soo xaday qoreyga  waxaa u suurtagashay inuu baxsado.

Baadhitaan danbe oo guriga lagu sameeyay—oo ay goob joog ka ahayd tuhmanaha hooyadiis ayaa ugu dambeyn lagu helay qori AK-47 ah, iyo hal wareeg oo ah 7.62mm rasaas gaar ah.

Dambi baarista ayaa xaqiijisay in hubka iyo rasaasta ay ka mid ahaayeen alaab laga soo bililiqeystay saldhiga Booliska Dagoretti intii lagu jiray qalalaasaha dhowaan dhacay.

Sida ay boolisku sheegeen, waxaa hadda socda baadi goobka ninka soo xaday qoreyga AK 47-ka ah.

SOURCE CITIZEN TV KENYA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -