Advertisement

Advertisement

Emmanuel Eboue, wuxuu u dhashay dalka Ivory Coast, sidoo kale wuxuu ahaa ciyaartooy u soo ciyaaray kooxda Arsenal iyo xulka qaranka Ivory Coast.

Eboue, inta uusan yurub aadin wuxuu qabay gabar ay isku dal yihiin oo u dhalatay dalka Ivory Coast laakiin nasiib xumo wuxuu furay markii uu yurub tegay.

Kadib Emmanuel Eboue, wuxuu guursaday gabar u dhalatay dalka Belgium-ka, waxayna isku dhaleen carruur.

Kadib waxaa isku dhacay Emmanuel Eboue iyo xaaskiisa cusub, waxayna ka dalbatay furriin, laakiin kahor inta aysan furriinka ka dalban ayey waxay ka saxiixday dhammaan lahaanshaha hantidiisa, iyadoo ka faa’iidaysatay wax akhris la’aantiisa.

Eboue, waxaa lagala wareegay lacag $20 milyan, wuxuuna noqday guri la’aan kadib markii gurigiisa laga soo saaray, sidoo kale waxa uu waayay walaalkiis iyo awoowgiis.

Eboue, markii uu yurub ku wareeray oo ay ku dhacday guri la’aan iyo hanti la’aan, wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa Ivory Coast, wuxuuna sanadkii 2019 dib u guursaday xaaskiisii hore ee u dhalatay Ivory Coast.

Horta ninkaan Eboue, waxaa lagu dhacay wax akhris la’aantiisa, maadaama uusan markaas luuqadda Belgium-ka aad u aqoon, wuxuuna iska aaminay xaaskiisa, si ay maamusho arrimahooda maaliyadeed.

Hadda odayga sidii marba warqad looga saxiixayay ugu dambeeyntii hantidiisii oo dhan waa lagala wareegay, wuxuuna ku soo dhacay meel cidlo ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here