BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in goor dhawayd Guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) gudoonsiiyay shahaadada musharraxnimo xilka ugu sareeya Maamulka Koofurgalbeed.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa hada si rasmi ah uga mid noqday musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in la doorto Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, musharixiinta waxaa ugu cad cad Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana si weyn loo hadal hayaa inuu guuleysan karo Aadan Madoobe madaama ay Dowladu wadato islamarkaana kuraasta ugu badan ee Golaha Wakiilada ay hore ugu guuleysteen Xisbiga JSP ee muxaafadka ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 






