Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan diiwaangelinta & shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga ayaa Maanta waxaa ay Shahaadada Xildhibaannimo siiyeen Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kaas oo noqday Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), isaga oo sidoo kale u sharaxan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Shariif Cabdalla.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa la filayaa inay Maanta Shahaadada Xildhibaanimo ay siiyaan Xildhibaano dhowr ah, waxaana Gudoomiyaha Guddiga uu markale ka dalbaday Xildhibaannada dalka ka maqan inay deg deg u soo gaaraan muqdisho si ay shahaadada u qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here