HomeWarkiiSheekh Cali Wajiis oo lagu heysto inuu xaqiray jiritaanka mid ka mida...

Sheekh Cali Wajiis oo lagu heysto inuu xaqiray jiritaanka mid ka mida Beelaha Mudddulood.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM )-Odayaal dhaqan oo u dhashay beesha Wacdaan Cusmaan ee beel weynta Muddulood ayaa ku eedeeyay Sheekh Cali Wajiis oo ka mida Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inuu xaqiray jiritaanka beeshaasi.

Odayaasha Beesha Wacdaan waxay sheegeen in Sheekh Cali Wajiis uu beesha Daauud wacbuushan ee Abgaal  ku sheegay inay degto deegaanka Jaziira iyo dhulka ka koreeya taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid uu ku xaqiray beeshooda oo ah beesha halkaasi degta.

“Deegaanka Jaziira waxaa degta oo leh beesha Wacdaan Csmaan , shiikh cali wajiis-na wuxuu sheegay in reerka Sanatar Muuse Sudi degaan, waxaan ka rabnaa Shiikh Cali Wajiis  inuu arinkaasi raali gelin ka bixiyo “ayuu yiri mid ka mid odayaasha dhaqanka ee beesha wacdaan

Guud ahaan odayaasha u hadlay Beesha Wacdaan ayaa muujiyay sida ay uga xumaadeen hadalka shiikha oo ay u arkan mid iyaga gaf iyo xaqiraad ku ah lamana oga sida uga jawaabi doono Sheekh Cali Wajiis.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -