Mufasirka weyn iyo Caalimka Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif ayaa si adag ula hadlay Beesha uu asal ahaan ka soo jeedo ee Abgaal Cusmaan iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya xili uu wareysi siinayay TV-ga Qaranka.

Shiikha oo adeegsanayay adilooyin cad cad oo kala ah Quraanka iyo xadiisyadii Nabiga NNKH ayaa Dowlada iyo reerkuu ka dhashayba si cad ugu sheegay masuuliyada kaga aadan xakameynta iyo suulinta dagaal beeleedka sida arxan darada ah uga socda nawaaxiga Magaalo Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Advertisement

Dowlada Soomaaliya wuxuu u sheegay inay Dowlad ku tahay u kala gar qaadida Daalimka (gardaroolaha) iyo  Madluumka (la dulmiyaha) waliba si ficl ah oo ay ku jirto awood ciidan hadii taas la waayo ayuu si cad ugu sheegay Dowladu inay magac ahan u jirto balse aysan ahayn Dowlad dad iyo deegaan xukunta.

“shareecada waa naqaan iyo cilmiga maadiga wax kasta laakiin shaqada kow dowlada laga rabo waa inay Daalimka iyo madluumka  u kala garqaado oo daalimka ay qabato islamarkaana madluumka xaqiisa siiso”ayuu yiri Sheekh Maxamuu Ow-Cabdulle Cariif

Shiikha wuxuu intaas ku daray in dadka deegaanku yihiin dad wanaagsan 90% laakiin inta ay xun ay yar yihiin islamarkaana loo baahan yahay in ;laga soo dhex qabto intaasi xun

“dowladnimadu mahaaseey ka bilaabataa  hadii intaas laga waayo dowlada magac u yaal ayay iska noqotaa

Tusaale magac aadan lahayn hadii lagu bixiyo waa la iska maqlaa kaliya marka dowlada waxaa laga rabaa inay kala qabato kuwa qabiilka isku dilaya” ayuu mar kale yiri Shiikha

Dhanka kale  Shiikha wuxuu la hadlay Beesha Abgaal gaar ahaan kuwa is dilaaya isagoo ugu baaqay inay Alle SWT u towbad keenaan isagoona kuwa qabiilka isku dilaya ku tilmamay inay yihiin kuwo Alle iyo Rasuul ka furtay.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.

Previous articleMid ka mida Taliyayaasha Xamaas oo la dilay
Next articleSaciid Dani maxay u dhimi kartaa in xisbiyo isaga la socday ay ku biireen mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here