Sheekh Shaakir iyo ciidamo uu watay oo loo oggolaaday inay ka baxaan magaalada Guriceel ayaa dagaal ku qabsaday duleedka Waqooye ee Guriceel, iyadoo wararka ay sheegayaan in amar ka yimid Muqdisho lagu faray in markii ay magaalada ka baxaan la soo qabto Shaakir iyo ciidamada la socda.

Sababta ayaa saraakiisha qaar iigu sheegayn in dowladda ay u cuntami weysay in khasaarihii xoogganaa ee gaaray ciidamadeeda in natijada ay noqoto nimankii lala dirirayay iyagoo nabad ah ay baxaan berrina ay mar ka soo laba kacleyn karaan.

Dhinaca kale ciidamada Shaakir La socda ayaa la tilmaamayaa inay u dhiman karaan ama ay dad u dili karaan oo aanay suurgal aheyn iyagoo nool in hortooda lagu kaxaysto taas oo ka dhigan in khasaare kale imaan karo haddii aan xabad joojintii la siiyay aan sideeda loo dhaqan gelin.

Maxay kula tahay adiga ma in dhiigga dambe la badbaadiyo mise in Shaakir la soo qabto dhiig kasta ha daatee?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here