Ururka Ahlusunna ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda magaalada Guriceel oo ay gacanta ku hayeen 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, islamarkaana inta badan ay ka barakaceen dadkii kunoolaa.

Sheekh Maxamed Shaakir oo kamid ah Culimada Ahlusunna ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay duulaan kusoo yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana taasi ay sababtay in dhammaan dadkii kunool magaalada ay barakaceen.

Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal, islamarkaana aysan jirin wax dagaal ah oo uu dhankiisa waddo.

Waxaa uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan baaqyada ka imaanaya laamaha kala duwan bulshada iyo qaar ka mid ah beesha Caalamka.

Ciidanka dowladda Soomaliya ayuu ugu digay in ay ka qeyb ka noqdaan dagaalka magaalada Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here