Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan islamarkaana ah mid ka mida hogaamiyayaasha Ahlu suna ayaa taageeray talaabadii Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ku ansixiyeen Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-
Tallaabada taarikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya loogana gudbay magicii dastuur ku meel gaar ah, waxay Soomaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimadda Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowlada Iyo labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sida geesinimadda leh ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameestiran oo muhiim u ah hanaanka dowladnimadda Soomaaliya iyo in la helo dowlanimo Si wax ku ool ah ugu adeegta Shacabka Soomaaliyeed.

