Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan deegaanka Burka Diirimeed oo uu ka socda shir lagu heshiisiinaayo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoostaga degmooyinka Cadale iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku baaqay in labada dhinac ay ka shaqeeyaan nabad ku wada noolaashaha walaaltinimo.

Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mudo todobaad ah ku sugan goobaha colaada ka jirtay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhaqan galiyo qodobada kasoo baxa shirka dib u heshiisiinta labada beelood ee ka socda deegaanka Burka Diirimeed, isagoona uga mahadceliyay dhaqanka labada beelood aqbalada ay aqbaleen in la heshiiyo.

Advertisement

“Colaada waxaa ugu halis badan mida Sokeeye waxaa ka dhasha cawaaqib xumo oo marka ay Colaadu gasho qaraabo Cuqubadeedu waa qatar weyn weyna soo deg degtaa, Labada beelood ee walaalaha ah waxaan rabnaa inaan loo dhaxeyn oo si toos ah ay u wadahadlaan, guddigii aan dhisnay waa diyaar, anaguna waan idinla joognaa hadii wax idinku adkaadaan” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirkan lagu heshiisiinaayo beelahan walaalaha waxaa goob joog ka ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, guddoomiyaasha degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale, waxaana rajo wanaagsan laga qaba in nariijo wanaagsan ay kasoo baxdo shirkaan ka socda deegaanka Burka Diirimeed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Previous articleDagaal xoogan oo hada ka socda Magaalada Barbara Ee Soomaalilaand
Next articleMadaxweyne Xasan oo loo gudbiyay xogta weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad Ammarna bixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here