Sheekh Maxamuud Maxamed Shibil oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay howlgallada looga soo horjeedo khaarijta Al shabaab isaga oo bogaadiyay Guulaha laga gaaray.

Waxa uu sheegay in Shabaab ay baneesteen diiinta dadka Muslimiiinta ah ee Soomaaliyeed isaga oo tusaale u soo qaatay qaar kamid ah Qaraxyadii ay fuliyeen sida kii Soobe oo kale.

“  Waxa Soomaaliya ka socda waa dila Islaamka, waxey leeyihiin gaalo la dagaalameynaa oo Suuqyadi iyo Hoteeladi ayaa nag laga dhigayaa Gaalada kale ee joogta dalka oo inaga aheyn waa ayo marka laga reebo niman AMISOM oo taangiyo kujira iyo kuwa Xalane difaac kaga jira maba la gaarayee  , Gaalada la leynayo ee lagu jihaadayo oo dhiigoodu xalaal yahay oo ilaahey loogu dhawaanayo oo inta muuqaalo soo duubaan ay leeyihiin murtidiintaan nag ka dhignay waa ayo, waa Suuqa Soobe iyo Hoteeladeena dadka joogo oo Muslimiin Soomaali ah” ayuu yiri Sheekh Shibili.

Sheekha oo goob fagaare ah khudbad ka jeedinayay ayaa sheegay in xukunka khawaarijta Al shabaab uu yahay in la laayo “ Qof go’aankiisa uu yahay Muslim inuu laayo, shaqadiisa uu fulinayanaya ay tahay Muslim inuu gumaado, diin ahaana dhalan rogan, dhaqan ahaana dad gumaad ah oo xoolahoodu xalaal u yihiin oo dhiigoodu xalaal u yahay, dadka saas oo kale  ah hadal iyo waan waan ah ma anfacdo laaya meesha aad ku aragtaan”

Waxa uu Sheekh Shibili xusay in ijiid aan ku jiidee ay tahay in kooxda khawaarijta Shabaab meel dhexe looga soo haro waxa uuna tilmaamay ineysan laheyn islaanimo lagu daayo isagoo hoosta ka xariiqay in xalka kaliya uu yahay in laayo oo la iska dhiciyo.

Waxa uu ugu dambeyntii Sheekh Shibili shaaciyay in xitaa dambi tahay in loo gargaaro isagoo in natiijadooda ay xuntahay hadii dadka lagu siidaayo waxaana uu tusaale usoo qaatay dhiiga dadka Muslimiinta ah oo ay daadiyaan iyo iney xoolaha umadda xoog ku qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here