WAXAA QOREY: PROF.YAXYE CAMIR

Maanta waxaa Magaaladda Mogadishu ku geeriyooday Janaraal Maxamud Geele Yusuf. Waa kuma Janaraal Geele?

Advertisement

Diinta islaamka, Qur’aanka iyo Axaadiithta waxaad ku arkee Dad iyaga oo nool Diintu sheegtay in ay Ahlu-Naar yihiin iyo Xumaantii ay sameeyeen, Sida Abii Lahab. Qaar Dhintay ayaa Xumaantooda Diintu noo sheegtay iyo in ay yihiin Ahlu Naar Sida Fircoown.

Haddii Qof Dambiile ah uu nool yahay iyo Hadduu dhintaba waa in runta laga sheegaa wixii uu sameey jiray, si Dadku ay u ogaadaan Xaqiiqda.
Somalida qaar Munaafaqnimo badanaa may Runta ka sheegaan Qofkii Ficilo Xun sameeyay si aan loogu Daysan.

Maanta waxaan arkay Dad badan oo u tacsiyeynaa una duceynaa Jan. Maxamud Geele yusuf. Ma ogaal la’aan ayaa u geeysay?. Ma Dambiyadii uu Dadka iyo Dalka ka galay ayeey inkirayaan?. Ma Saaxiibadood iyo Qaraabadii Janaraalka ayey uga baqayaan in ay Runta sheegaan? Ma siyaasadda ayay u fahmeen in Dadka Been loo sheego?. Ma taariikhda Somalida ayaa Been lagu qorayaa?.

Janaraalku Koox dhiigya cab aheyd oo uu ka tirsanaa ayaa u xil saaratay in uu laayo Dad badan oo aan Dambi leheyn, waxa uu laayay Janaraalo isaga la mid ahaa, waxa uu laayay Shacab, waxa uu laayay Culumadii Diin badan oo Suurada Qur’aankaa in khalad loo fasiro iyo sharciyo Diinta ka hor imaanaa diidanaa , waxa uu laayay Shaqaale Dowladeed, waxa uu laayay Saraakiil Badan oo ka tirsanaa Xoogga Dalka, waxa uu laayay Dad isaga laftiisa ay qaraabo yihiin.

Yaa Somalida kula dardaarmay in Dambiile kasta ay amaanaan, ma ogidiinuu in Beentu Dambi tahay oo Aakhiro la idiin qabsanaa, war Alla ka cabsada oo waxa aad ogtihiin yaan Been laga sheegin.

Waan ogahay in aan ku dhiiraday in aan Runta ka sheego Gudoomiyihii Maxkamaddii Badbaadada oo aheyd Maxkamad aan Dastuuri aheyn oo aan Racfaan laga qaada karin, Qodabadeeda dhanna ay ahaayen Dil, Xabsi daa’iim iyo Ciqaab kale, waxna kuma xakumeeyn Shareecada islaamka, markii Maxkamadda loo magacaabayay isagu waxba kama aqoon sharciga, waxaana Been laga sheegaa Aqoontiisa.

Maxaa Jiilka Cusub oo aan u soo joogin Falalkii Arxan darada ahaa ee Janaraal Geele ku kacay Beenta loogu sheegaa, Maxaa Dadka loogu sheegaa in uu ahaa Nin Dadka iyo Dalka wax taray, waxa ugu weyn ee uu qabtay, waa in uu laayay Boqolaal Somali ah oo aan wax Dambi ah leheyn, waxa uu ahaa Kawaanle weyn, Dhiigya cab, Damiir laawe, Daba dhilif lagu adeegto. Maa Runta la sheego oo Allaah kaliya laga baqo, Dadkii soo garay weey joogaan, wixii uu sameey jirayna waxa ay u muuqdaan sida Qoraxda.
War Alla ka baqa, Runta Sheega, yaan Jiilka cusub lagu dhiiri galin in ay raacaan wadadiisii inta u maleeyaan wanaag.

Waan Filaa, in Dad badan ogaal iyo ogaal La’aaniba ha u geeysee, in ay ka xumaa doonaan in Runta laga sheego Shakhsigaa iyada oo aan loo fiirineeyn Qabiilkiisa, Xilalka uu soo qabtay, Darajadaa uu gaaray iyada oo weli ay nool yihiin qaar ka mid ah Agoontii, Qaraabadii, Haweenkii Asaayda uu u saaray kadib markii uu laayay Dad aan Dambi leheyn. War Allaah ka baqa. Waxaa Ceeb nagu ah, in wixii dhacay ee aan u soo joognay, Anaga oo Runta og in aan Haddana Dadka Been u sheegno, waa Munaafaqnimo. Adiga oo og haddii aad Been ka sheegto Dadkii Dambi la’aanta loo dilay waxaad la mid tahay Shahaada Suurkii maxkamadda ka hor sheegi jiray Beenta ee markhaati beenaalaha ahaa.

Ayaadda Qur’aanka ayaa leh: Mu’miniiney, sheega wanaaga Meeytadiina idinka midka ah. Waxa lala hadlayo waa muuminiin, Diintu waa noo sheegtay Calaammadda Mu’miniinta ee is weydii malahaay Calaamadihii Mu’miniinta.

Allaah Qofkii uu doono waa cafi karaa.
Waan ogahay in Somaliya ay ku badan yihiin kuwo Jan. Geele la mid ah.

Haddii aad rabto Commentiga Been ku sheeg ama ku ceeytan.

Somalidu Haddii Sheeydaan Dhinto, waxa ay Alla ugu baryayaan Dambi dhaaf iyo in uu Janadda galo.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

 

Previous articleTaliye Sulub oo booqday xerada ciidamada Haram-cad+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan oo qaabilay qaar ka mida Culumaa’udiinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here