Ciidanka amniga ee ku sugay Deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen kooxaha Khawaarijta.
Deegaanka Dawacooleey oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayeey ka qabteen Gaari Xamuul ah oo saanad aad u badan u siday Khawaarijta.
Khawaarijta oo helay xogta ah in saanadooda gacanta lagu dhigay ayaa isku dayay in ay weeraraan ciidan deegaanka Balse cashar ayaa loo dhigay waxaana laga dilay 3 ka mid ah khawaarijtii weerarka soo qaadday.
Sawiradani waa qayb kamid ah shidaalka iyo raashinka la qabtay ee khawaarijta loo wadey, waxaana go’doon adag uu saaran yahay deegaanada Argagaxisadu maamusho ee Galgaduud.
=Xigasho warbaahionta Dowlada=
No photo description available.May be an image of 1 personMay be an image of 3 people and Uluru
Previous articleBanaanbax lagu taageersan yahay Xamaas oo maanta ka dhacay Muqdisho+Sawirro
Next articleCudurka HIV/AIDS oo laga helay kumanaan Soomaali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here