HomeWarkiiShiinaha oo sameeyay dhoola-tus Milateri xili Putin iyo Kim ay goob joog...

Shiinaha oo sameeyay dhoola-tus Milateri xili Putin iyo Kim ay goob joog ahaayeen

Front from left, Russian President Vladimir Putin, Chinese President Xi Jinping and North Korean leader Kim Jong Un arrive at a military parade to commemorate the 80th anniversary of Japan's World War II surrender in Beijing, China, Wednesday, Sept. 3, 2025. (Sergei Bobylev, Sputnik, Kremlin Pool Photo via AP)BEIJING (DAYNIILE.COM)-Dal weynaha Shiinaha ayaa sameeyay dhoola-tus Milateri oo ay ku xusayeen sanad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegatay dagaalkii labaad ee dunida waxaana goob joog ka ahaa Madaweynayasha Dalalka Ruushka iyo Kuuriyada Koofureed Putin iyo Kim iyo waliba dalal kale oo badan.

Shiinaha wuxuu soo bandhigay Awood buuxda oo milateri waxaana dhoola tuska Shiinaha lagu soo bandhigay fagaaraha Tiananmen ee  Caasimada Shiinaha ee  Beijing halkaas oo kumannaan ciidamo ah ay socod ku mareen.

Shiinaha waxay dhoola-tus ku soo bandhigeen jiilkiisii ​​ugu dambeeyay ee dagaalyahanada qarsoodiga ah, taangiyada iyo gantaalada ballistic-ga iyada oo ay ku jiraan kumanaan qof oo si heersare ah loo soo bandhigay.

Bandhiga dhoolatuska oo Saaka ka dhacay fagaaraha Tiananmen  waxaa kormeeray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo sidoo kale ah madaxa militariga dalkaas iyo xisbiga shuuciga Shiinaha.

Ka dib markii uu salaamay hogaamiyayaasha ajnabiga ah, oo ay ku jiraan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, Xi wuxuu u dhaqaaqay soo dhaweynta ruug-caddaayada militariga Shiinaha ka hor inta uusan booskiisa ka bixin xarunta munaasabadda.

Putin iyo Kim ayaa ka mid ahaa 26-ka hogaamiye ee caalamka ee ka qeyb galay dhoolatuska, koox ka soo jeeda inta badan wadamada aan reer galbeedka ahayn.

Isagoo ka hadlayay guushii Shiinaha uu ka gaaray dagaalkii ay la galeen Dalka Japan wuxuu uga mahadceliyay dowladaha shisheeye caawintooda. Xi ma uusan xusin magaca Mareykanka, inkastoo waddanku door muuqda ku lahaa soo afjarida dagaalkii labaad ee aduunka.

Hogaamiyaha Shiinuhu wuxuu sheegay in casharadii laga bartay dagaalka ay yihiin kuwo khuseeya hadda sidii hore.

“Dadka Shiinaha waxay si adag u istaagi doonaan dhinaca midig ee taariikhda iyo dhinaca horumarka bani’aadamka, waxay u hoggaansami doonaan waddada horumarka nabadda, waxayna la midoobayaan adduunka intiisa kale si loo dhiso bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan aadanaha,” ayuu yidhi.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMChinese President Xi Jinping stands in a car to review the troops during a military parade to mark the 80th anniversary of the end of World War Two, in Beijing, China, September 3, 2025. REUTERS/Tingshu Wang REFILE - QUALITY REPEAT

Members of Chinese People's Liberation Army (PLA) Air Force march during a military parade to mark the 80th anniversary of the end of World War Two, in Beijing, China, September 3, 2025. [Maxim Shemetov/REUTERS]

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -