Shiinaha ayaa jimcihii sheegay in “mar dambe aqoonsan doonin” Baasaboorka Britishka (Overseas) ee loogu talagalay dadka Hong Kong, iyada oo Boqortooyada Ingiriiska ay isu diyaarineyso in ay albaabadeeda u furto malaayiin qof oo kale oo degenaa dhulkeedii hore ka dib rabshadaha amniga ee Beijing.

“Laga bilaabo 31-ka Janaayo, Shiinaha mar dambe uma aqoonsan doono waxa loogu yeero BNO baasaboor ahaan dukumiinti socdaal iyo dokumenti aqoonsi, waxayna xaq u leedahay inay qaado talaabooyin dheeri ah,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Tallaabada Beijing ay ku soo rogtay sharciga amniga qaranka bishii Juun ee sanadkii hore ayaa keentay in Britain ay magangalyo siiso ku dhowaad saddex milyan oo reer Hong Kong ah oo u qalma baasaboorka BNO laga bilaabo 31-ka Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here