Dowlada Shiinaha oo ka mida dalalka ugu xooga badan Dunida dhanka awooda hubka , dhaqaalaha tiknoolajiyada ayaa soo saartay markii ugu horeyay diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo aanu awoodin inuu sheego qalabka raadeerka ee sheega marka diyaarad hawadaada soo gasho.
Dowlada Shiinaha ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay horumarka ay gaareen iyagoona tusay warbaahinta Drons-ka casriga ah oo ka mid ah wax soo saarkooda ay dunida intee kale dheer yihiin.
Drons-kaan cusub ee shiinuhu soo saaray waxay warbixinta ku sheegeen inuu awood u leeyahay inuu hawada ku jiri karo maalin dhan,sidoo kale drons-kaan wuxuu ku duuli karaa masaafo dhan 2,500 km sida warbixinta lagu sheegay.
Shiinaha ayaa aad loo saadaalinayaa inuu mudo kooban ku noqon karo wadanka koowaad ee ugu awooda badan dhanka dhaqaalaha,hubka iyo tiknoolajiyada oo hada lagu tiriyo inuu Mareykanka kaliya kaga horeeyo dhankaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
