MUQDISHO (DAYNIILE.COM)– Gaari xamuul ah oo ka soo baxay Dekada Muqdisho ayaa maanta ku dhacay moto bajaajmareysay isgoyska Juba waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay 1 ruux ayaa dhintay halka 2 kalana dhaawacyo halis ah ay soo gaareen kuwaasoo dhamaantood ahaa dadkii mootada soo kireystay, dawalka oo aan waxba gaari waxaa la sheegay inuu baxsaday.
Gaadiidka waa weyn ee xamuulka oo awalba dhibaatooyinka ay geystaan looga dacwooday hay’adaha amaanka si ay waqti gaara ugu yeelaan ayaa hadana waxaa muuqata in wali dhibaatadaasi xal loo helin, maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore dhowr mar amaro u dul dhigay gaadiidkaasi walow aysan shaqeyn.
Labada ruux ee dhaawacyada daran qaba ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka, waxaa sidoo kale ciidamada amaanku baadi goob ugu jiraan darawalkii moota bajaajta halka gaari xamuulka darawalkii waday la baarayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
