HomeWarkiiShil dhimasho badan sababay oo saaka ka dhacay Muqdisho

Shil dhimasho badan sababay oo saaka ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawacba sababay ayaa saaka ka dhacay Degmada C/caaiis ee Magaalada Muqdisho kadib markii gaari weyn uu jiirey moto Bajaaj.

Inta ogahay 3 habeen Soomaaliyeed ah ayaa dhintay halka laba kalana ay dhaawacmeen markii gaariga weyni uu dul maray moota bajaajta , isbitaalka ayaa la gaarsiiyay kuwa dhaawaca ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalka gaariga  uu goobta ka baxsaday markii uu dhibaatadaasi geystay inkastoo shil ay ahayd,wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga dhibka gaystay uu yahay nuuca raaxada ee loo yaqaan Surf islamarkaana laga leeyahay dhanka madaxtooyada.

Sidoo kale ninka shilka gabdhaha ku laayay waxaa la soo sheegayaa in ugu dambeyn lagu qabtay nawaaxiga madaxtooyada islamarkaana Booliiska lagu wareejiyay oo uu hada xiran yahay.

Inta badan bajaajyada oo muqisho ku badan ayaa sababaya in shilalka Magaalada ka dhaca ay u bataan bajaajyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -