Laba gaari ayaa Saaka  la sheegay inay iskula dhaceen duleedka Magaala Xeebeedka Ber-Bera ee Somaliland waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Sida ay sheegeen goob joogayaasha laba ruux ayaa dhimatay halka 3 kalana ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen  Booyad Shidaal iyo gaari nuuca Brobox- ah ay isku dhaceen.

Advertisement

Gaariga booyada ah ayaa markii uu ku dhacay gaariga yar kadib wuxuu beelay koontoroolka kadibna wuxuu dhexda ka galay goob ganacsi oo laamiga geeskiisa ah.

Labada ruux ee dhimatay ayaa midkood dhaawac ahaan looga qaaday goobta hase yeeshee markii la geeyay isbitaalka ayuu ku dhintay.

Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa dhamaantood saarnaa gaariga yar kaasoo gabi ahaantiis burburey.

Shacab badan ayaa usoo gurmaday dadka shilka galay waxayna caawiyeen dadkii dhaawaca ah oo ay isbitaalada gaarsiiyeen.

Hadaba halkaan ka daawo Muuqaal uu diyaariyay Saab TV:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Somalia oo Maanta waraqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirada dhowr Dal iyo Jaamacada Carabta+SAWIRRO
Next articleGudoomiye Aadan Madobe oo Maanta Sagootin u sameeyay Wakiilada UNHCR ee Soomaaliya +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here