Wararka laga helaayo dhanka Maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay laba dhalinyaro ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay meel magaalada ka baxsan.

Shilkaani gaari wuxuu sababay inay ku dhintaan Allaha u wada naxariistee  labo muuqaal duube oo ka tirsanaa shabakadda Waqal ee duubta muuqaalada heesaha,sidoo kalana ay laba kale dhaawacmaan.

Advertisement

Labada Marxuum waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mustafa saleebaan iyo Liibaan daahir  rabi ha u naxariistee.

Mustafe ayaa horay uga tirsanaa kooxdii Xidigaha Geeska  ee ka dhisnaa Somaliland sida ay sheegtay BBC, isaga oo ka mid noqday aasaasayaasha kooxda sanadkii 2013 kii.

Gaari yar oo ay wateen ayaa la sheegay in markuu shilka galay kadib uu dab qabsaday taasoo khasaaraha sii kordhisay.

Rag dhalinyaro ah oo meesha ka dhawaa ayaa saxaafada u sheegay inay u gurmadeen islamarkaana ay isbitaalka gaarsiyeen labadii dhaawaca ahayd.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Mustafe iyo Liibaan

Previous articleGudoomiyaha Degmada Mahadaay “Masuulka Al-shabab naga dileen maaha ku xigeenkeyga ee waa……”
Next articleMadaxweyne Xasan oo ku jira xalinta Khilaafka Madaxda u sareysa Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here